Walaalnimada iyo wanaagu
Inay waddo kuu ahaato
Wax weeyaan aad u fiican
Waliba sii qurux badnaatoo
Markii la is weheshanaayo
Wax weydiinta iyo ogaalka
Wax sheegiyo talada fiican
Walaalnimo buuxda weeye
Walaalnimada iyo wanaagu
Inay waddo kuu ahaato
Wax weeyaan aad u fiican
Waliba sii qurux badnaatoo
Markii la is weheshanaayo
Wax weydiinta iyo ogaalka
Wax sheegiyo talada fiican
Walaalnimo buuxda weeye
Ifka, lagu yahay walaalo
Ifka, la is weheshadaayee
Ifkaa, wax la isugu taraayee
Ala, Ifkaa, lagu yahay walaalo
Ifka, la is weheshadaayee
Ifkaa, wax la isugu taraayee
Walaalka, kaa filaayo
Inaad wax usii tareysid
Hadaad noloshiisa wiiqdid
Walee wax xun baad sa’maysay
Warkaygani waa xusuusi
Waanadu waa iga dardaaran
Walaal sidaad iila weyntahay
Wax weeyaan sii cajiiba
Walaalka kaa filaayo
Inaad wax usii tareysid
Hadaad noloshiisa wiiqdid
Walee wax xun baad sa’maysay
Warkaygani waa xusuusi
Waanadu waa iga dardaaran
Walaal sidaad iila weyntahay
Wax weeyaan sii cajiiba
Ifka, lagu yahay walaalo
Ifka, la is weheshadaayee
Ifkaa, wax la isugu taraayee
Ala, Ifkaa, lagu yahay walaalo
Ifka, la is weheshadaayee
Ifkaa, wax la isugu taraayee