Ka bogsaday jacaylkii, iikaa bahdili jiray
Ka badqabay dhibkiisii, boholyowgi lama kacoo
Ka bogsaday jacaylkii, iikaa bahdili jiray
Ka badqabay dhibkiisii, boholyowgi lama kacoo
Ka bakhoolay, goobtaan, kaaga soo hor bixi jiray
Ka badbaaday halistii, haa, aa, haliistii
Allana ima kaa badin, haa aa
Hooy, Allana iima kaa badin
Ka bakhoolay, goobtaan, laaga soo hor bixi jiray
Ka badbaaday halistii, haa, aa, haliistii
Allana ima kaa badin, haa aa
Hooy, Allana iima kaa badin
Kuma baran abidkeey
Kuma baran aniguyee
Kuma baran waligeey
Kuma baran aniguyee
Kuma baran abidkeey
Kuma baran aniguyee
Kuma baran waligeey
Kuma baran aniguyee
Ma burburin hankeeygii
Buurtiina kama degin
Ma bedelin go’aankii
Waligeyna kuma baran
Ma burburin hankeeygii
Buurtiina kama degin
Ma bedelin go’aankii
Waligeyna kuma baran
Sidii berigii, ma ihiyee, waan soo baraarugay
Kuuma baahni maantoo, bedelkaaga waan helay
Sidii berigii, ma ihiyee, waan soo baraarugay
Kuuma baahni maantoo, bedelkaaga waan helay
Waxaad iiga baratiyoo, baashaalkiina waan xiray
Buugii xusuustaa, xusuustanaa, beri hore ayaan gubay
Beri hore ayaan guban
Waxaad iiga baratiyoo, baashaalkiina waan xiray
Buugii xusuustaa, xusuustanaa, beri hore ayan gubay
Beri horee ayaan gubay
Kuma baran abidkeey
Kuma baran aniguyee
Kuma baran waligeey
Kuma baran aniguyee
Kuma baran abidkeey
Kuma baran aniguyee
Kuma baran waligeey
Kuma baran aniguyee
Ma burburin hankeeygii
Buurtiina kama degin
Ma bedelin go’aankii
Waligeyna kuma baran
Ma burburin hankeeygii
Buurtiina kama degin
Ma bedelin go’aankii
Waligeyna kuma baran